
Kooxo manaxayaal ah ayaa lagu soo waramayaa inay dhacdo argagax badan ka gaysteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii xalay fiidkii ay kufsadeen Haweenay Uur leh, kadibna ay dileen.
Haweenaydaan ayaa da’deeda waxaa lagu sheegay 25 sano jir, Saxaafaddana weli ma aysan helin magaceeda, waxaana la sheegay Kooxihii hubaysnaa ee dilay Haweenayda durba inay dileen.
Allaha u naxariistee gabadha falkaan foosha xun loo gaystay ayaa laheyd Uur Xaamilo ah, lamana oga sababta loo beegsaday, inkastoo Magaalada Marka ay isku hayaan maleeshiyaad hubaysan.
Maleeshiyaadka Magaalada Marka isku haayo ayaa gaysta falal tacadi ka dhan ah dadka rayidka ah ee maatida ah, kana madax banaan Siyaasadaha qalafsan ee ka jira Magaalada Marka.
Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Marka, ayaanan wali ka hadlin falkaan foosha ah ee ka dhacay Magaalada Marka.