
Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay mudada loo asteeyay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa si xowli ah ugaga socda magaalada Jowhar ololaha doorashada Madaxweynaha, iyadoo musharaxiinta iyo wakiilo ka socda musharaxiinta ay shirar kala gaar gaar ah la yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Musharaxiinta Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle oo sanadkan ka badan musharaxiintii doorashadii dhacday sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa sawiro iyo halkudhegyo muujinaya ololahooda doorashada waxaa lagu dhejiyay wadooyinka magaalada Jowhar iyadoo musharax walba uu ballanqaadayo inuu ka shaqeyn doono horumarka dowlad goboleedka Hirshabelle.
Doorashadan ayaa hase ahaatee tii sanadkii hore waxa ay kala mid tahay iyadoo musharaxiinta ay ka soo jeedaan beel kaliya, taasoo ah xeer hoosaad dhex maray siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada labada beel ee ugu tunka weyn dowlad goboleedka Hirshabelle.
Musharaxiintan ayaa waxaa illaa iyo haatan magacyadooda la hayaa lix musharax waxayna musharaxiintan ay wadaan olole xoog leh oo ay ugu jiraan sidii ay ku kasban lahaayeen codadka xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.
Hase yeeshee xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku gorgortamaya xilal iyo weliba dhaqaale iyadoo la arkayo kulamo kala gaar gaar ah inay la yeelanayaan musharaxiinta iyo weliba wakiilada musharaxiinta ay soo dirsadeen.
Musharaxiinta la ogyahay illaa iyo hadda inay u tartamayaan doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Waare oo ahaa musharixii sanadkii hore la tartamay Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Cali Cabdulaahi Cosoble,
1- Cabdi Faarax Laqanyo oo hore u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan,
2- Cabdikariin Cali Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle isla markaana ah Wasiir ka tirsan golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle,
3- Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed) waxa uu hore labo jeer u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan waana wasiir ka tirsan golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle,
4- Cabdinaasir Shirwac Maxamed waa ganacsade ka soo jeeda gobolka Hiiraan,
5- Maxamed Caruush Diirow waxa uu soo noqday Agaasimaha wasaarada arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle.
Sidoo kale waxaa jira musharaxiin kale oo aan weli si rasmi ah loo shaacin balse la rajeynayo inay ka soo qeybgalaan doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle maalmaha soo socdana ku dhowaaqaan musharaxnimadooda.
Qaar kamid ah musharaxiinta ayaa soo gaaray magaalada Jowhar halka kuwa kalana la rajeynayo in labada maalmood ee soo socota ay yimaadaan magaalada Jowhar ee ah xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Illaa hadda lama saadaalin karo cida noqonaysa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle balse waxaa lagu kala bixi doonaa marka ay xildhibaanada u codeeyaan maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 12ka bisha September 2017.