Kala qaybsanaan soo kala dhexgashay Guddiga Doorashada Kenya

Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in gantaal laga soo ridey diyaarada aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay gaari marayay duleedka deegaanka Kuunyo-Barow oo ka tirsan degmada Baraawe.

Gaariga ayaa la sheegay in ay la socdeen saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyn laga fuliyay agagaarka Baraawe, laguna dilay hal dagaalyahan

Duqeyntan ayaa dhacday shalay oo Khamiis aheyd, abaarihii 2:45 saacada geeska Afrika, sida lagu xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 3aad oo uu Mareykanka fuliyo todobaadkan gudihiis, waxaa horay duqeyn lagu dilay maalmo ka hor dhowr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida Mareykanka sheegtay.