Soomaaliya oo sannadka cusub lasoo wareegeeysa maamulka hawada.

Soomaaliya oo sannadka cusub lasoo wareegeeeysa maamulka hawada

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawaddaLahaanshaha sawirka SONNA

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii Soomaaliya ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada ayaa sheegtay inay dib u dhis ku sameysa qalabkii lagu hagi lahaa hawadda Soomaaliya oo in muddo ah ka maqnaa gacanta dowladda.

Wasiir Cabdullahi waxaa kale oo uu xusay in faa’ido ay u tahay Soomaaliya, maadaama buu yiri dhaqaalaha ka soo xarooda hawada Soomaaliya uu ku bixi jiray dalal kale, hataan na dhaqaalahaasi uu dib ugu soo laabanayo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu wasiirka intaa ku daray in ahmiyadda ugu weyn ay tahay sidii Soomaaliya ay markale gacanta ugu dhigi laheyd maamulka hawada.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa hawada dalka maamulayay hay’addo ajnabi ah, kuwaa oo hawada Soomaaliya ka maamulayay meelo ka baxsan dalka.