K/waqooyi: Xayiraadda nala saaray waa ficil dagaal

K/waqooyi: ‘Xayiraadda nala saaray waa ficil dagaal’Messenger

Ficil dagaal ayey Pyongyang ku tilmaantay xayiraadda cusub
Image caption Ficil dagaal ayey Pyongyang ku tilmaantay xayiraadda cusub

Kuuriyada waqooyi ayaa ku tilmaantay xayiraadihii ugu dambeeyey ee Qaramada midoobay ay ku soo rogtay inay yihiin “ficil dagaal”.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii xayiraado cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, kuwaasoo jawaab u ah tijaabooyinka gantaalaha ballistigga ee Pyongyang ay samaysay.

 

Qaraar qabyo qoraal ah oo Maraykanku diyaariyey, ayna taageereen dhamaanba 15ka dal ee golaha ku jira, ayaa qodobbada ku jira waxaa ka mid ah tallaabooyin lagu dhimayo 90% shidaalka uu waddankaas dibadda ka keensado.

Kuuriyada waqooyi waxaa horeba xayiraado ugu soo rogay Maraykanka, Qaramada midoobay iyo midowga Yurub.