
Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii nin ku hubeysan mindi uu ku weeraray rakaab saarnaa tareen kadibna uu gubay tareenkii koofurta dalka Switzerland.
Booliska Swisska ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday tareenka iyadoo la sheegayo in wasiirka arrimaha gudaha Switzerland uu qabtay shir deg-deg ah.
Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu gubay tareenka uuna sidoo kale midiyo ku dhaawacay toddobo ruux oo uu ku jiro ilmo lix sano jir ah.
Weerarkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow xarun laga raaco tareenada ee Salez-Sennwald una dhexeysa Buchs iyo Sennwald abaarihii 2,20pm xilliga dalka Swisska.
Booliska St Gallen ayaa laga soo xigtey in ay sheegeen in qofka weerarka geystey uu ahaa 27jir Swiss ah iyadoo weerarkana uu ka dhacay meel ku dhow xadka Liechtenstein waxaana soo gaaray dhaawac qofkii weerarka geystey.
Warbixinada ayaa intaa ku daraya in dadka dhaawacmay ay ahaayeen gabar 17 jir ah, labo haween oo da’adooda lagu sheegay 34jir iyo 43 jir,wiil 17jir ah iyo nin konton sano jir ah.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay oo noocisa oo kale ah oo dhaca qaarada Yurub waxaana bishii hore uu wiil 17 jir ah uu ku dhaawacay rakaab saarnaa tareen dalka Jarmalka.