(August 13,2016) AKHRISO: Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo ka muujiyay Walaac Go’aanadii Madasha

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo isugu yimid shir aan caadi aheyn ayaa si adag uga hor-yimid go’aanadii ka soo baxay Madasha Hoggaamiyeyaasha qaran ee ka dhacay Muqdisho 4-9 bishan Agosto, waxayna Xisbiyada ku tilmaameen qodobada ka soo baxay Madasha inay yihiin kuwo iska hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed.

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ayaa ku baaqay in aan mar dambe dib u dhac dambe aan lagu sameyn doorashada, taasoo ay sheegeen inuu dalka ku keeni karo xaalad fowdo ah, hadii dib u dhac kale uu dhaco.

Sidoo kale Isbaheysiga Xisbiyada ayaa ku baaqay in Gobolka Banaadir xaqiisa Aqalka sare si deg deg ah go’aan looga gaaro, iyagoo tilmaamay in ka maqnaanshaha Aqalka sare ee Gobolka Banaadir ay tahay xadgudub iyo cadaalad darro weyn.

Hadaba war saxaafadeed ay soo saareen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada oo nuqul ka mid ah na soo gaaray Jowhar.com ayaa sidan u qornaa:-
war-sawar-sa1war-sa2war-sawar-sa1war-sa2

xisbiyada-2xisbiyada-3
xisbiyada-1 xisbiyada--