
Ciidamada Dowladda Somalia, AMISOM iyo Al-shabaab ayaa duhurnimadii maanta iska horimaad khasaare sababay waxaa uu ku dhaxmaray deegaanka Luuq-Jeeloow 22km dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.
Iska horimaadkan ayaa dhacay kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay ciidammada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM u dhaqaaqeen deegaanno dhaca galbeedka Beledweyne, gaar ahaan Luuq-Jeeloow, Ceel Baar iyo War-dhabeelle.
Ciidammada ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxaa weerar dhabo gal ah ku qaaday xoogag ka tirsan Al-shabaab deegaan u dhaxeeya Luuq-Jeeloow iyo War-dhabeele, iyaga oo weerarkooda u adeegsaday qoriga hoobiyaha.
Laakiin ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa hub culus ugu jawaabay kooxaha weerarka soo qaaday oo saraakiishu sheegeen in ay khasaare ballaaran u geysteen. Ugu danbeyntii, ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horay Al-shabaab ugala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.