(August 24,2016) Qaraxyo Qasaaro geestay oo ka dhacay Isbitaal kuyaala dalka Thailand (Video)

Thai soldiers inspect the scene of a car bomb blast outside a hotel in the southern province of Pattani, Thailand August 24, 2016. REUTERS/Surapan Boonthanom

Dalka Thailand ayaa waxaa kusoo kordhaya weerarada Qaraxyada loo adeegsado ee ka dhaca qeybo kamid ah dalkaasi, waxaana qaraxyadii ugu dambeeyay shalay galinkii dambe ka dhaceen goobo ay bulsahdu ku kulanto.

Inta la Xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay 30- qof oo kalana wey ku dhaaacmeen kadib markii labo qarax oo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray la dhigay afaafka hore Hotel caan iyo Isbitaal kuyaala dalkaasi.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay afaafka hore Hotel lagu magcaabao Southern, qaraxan ayaana la sheegay in aysn jirin cid uu qasaare kasoo gaaray sida uu Wakaalada Wararka Reuters u sheegay Sargaal katirsan ciidanka booliiska Thailand.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxa labaad oo isna loo adeegsaday gaari weyn oo isna la dhigay halka laga soo galo isbitaal dalkaasi ku yaala ku dhintay hal qof halka ay ku dhaawameen dad gaaraya 30-qof oo kale.

Ciidamada Amaanka dalka Thailand ayaa wada baaritaano ku adaan qaraxyadan cusub iyo kuwa ka dhacay isbuucii hore, waxaana qaraxyadan ay cabsi badan ku beereen shacabka dalka Thailand oo horey aan u baran qaraxyada.

 

Thai soldiers inspect the scene of a car bomb blast outside a hotel in the southern province of Pattani Thai soldiers inspect the scene of a car bomb blast outside a hotel in the southern province of PattaniThai soldiers inspect the scene of a car bomb blast outside a hotel in the southern province of Pattanitayi_4