
Shirka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu dhaco 7-da bishan September ayaa la soo hormariyay.
Warar ayaa sheegaya in shirkan uu furmi doono 4-ta bishan, maalin ka hor shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD oo Madaxtooyada sheegtay inuu Muqdisho ka dhici doono 5-ta Bisha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo soo hormariyay shirka ay tahay in qaar ka mid ah Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada la filayo inay u ambabaxaan dalka Sacuudi Carabiya, si ay halkaas ugu soo gutaan acmaasha Xajka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay sanadkan soo xajiyaan, taasna ay keentay in shirka la soo hormariyo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirkan Madasha ee dhici doona 4-ta bishan lagu dhameystiri doono waxyaabaha ka haray hirgelinta doorashooyinka, iyadoo diirada lagu saari doono tabashooyin ka yimid go’aanadii shirkii hore laga soo saaray.
Shaki badan ayaa laga muujinayaa qabsoomida doorashada sanadkan dhici doonto, iyadoo ay wali jiraan waxyaabo aan la dhameystirin oo ku saabsan hanaanka loo marayo doorashooyinka.