(September 01.2016) Wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga cayaartoyda iyo horyaalka Premier League ee Ingiriiska oo lacagtii ugu badnayd ku bixiyey ciyaartooyda.

Naadiyada Kubadda cagta ee horyaalka Premier League ee Ingiriiska ayaa lacagtii ugu badnayd ku bixiyey soo iibsashada cayaartoyda, ka hor intii uusan dhamaanin xilligii la kala wareegidda cayaartoyda.

1.3 Bilyan oo Doollar ayaa cayaartoy lagu kala iibsaday. Ragga lala kala wareegay waxaa ka mid ah difaaca kooxda PSG David Luiz oo ilaa 40 Milyan oo Doollar dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Chelsea.

Cayaartoydii ugu dambaysay ee intii uusan suuqa kala wareegidda xirmin la kala wareegsaday ama la kala iibsaday waxaa ka mid ah:

Magaca cayaartoyga Ka wareegay U wareegay Lacag
Moussa Sissoko Newcastle United Tottenham £30 Milyan
Islam Slimani Sporting Lisbon Leicester City £29 Milyan
Alvaro Arbeloa Real Madrid West Ham Si xor ah
Mario Balotelli Liverpool Nice Si xor ah
Marcos Alonso Fiorentina Chelsea £23 Milyan
Georges-Kevin Nkoudou Marseille Tottenham £9 Milyan
Eliaquim Mangala Manchester City Valencia Deyn
Samir Nasri Manchester City Sevilla Deyn
Wilfried Bony Manchester City Stoke Deyn
Joe Hart Manchester City Torino Deyn