
Maamulka Puntland-Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay xireen xuduudaha ay la wadaagaan gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Cabdullaahi Maxamad Jaamac Quraan jecel oo ah afhayeenka Puntland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Puntland ay xirtay xuduudaeeda , isla markaan aysan aqbali doonin gaadiid ka soo gudba koonfurta Soomaaliya in ay soo gaaraan deegaanada Puntland.
Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Puntland wareegto uu soo saaray ku mamnuucay gawaarida ka timaada koonfurta Soomaaliya in ay gaaraan deegaanada Puntland