(September 01.2016) Qorax Madoobaad oo maanta ka dhacay dalka Soomaaliya iyo Caalamka.

Maanta oo ku beegan 1-da bisha September 2016 ahna maalin Khamiis ah ayaa qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya si weyn looga dareemay qorax madoobaad, kaas oo duhirkii maanta dhacay.

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay dadweynaha ay arkeen midabka qoraxda oo isbedeshay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya dadweynaha ku nool ayaa waxaa ay durbadiiba bilaabeen in ay u jiheystaan goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajiida, si Alle uu baryaan.

Dadweynaha ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa isku wacyigelinaayay in cafis la weydiisto Alle, isla markaana Alle laga duceysto, lana joojiyo waxyaabaha uu Alle ka caroonaayo.

Culima’udinka ayaa iyaguna ahaa kuwa ku baaqayay dadweynaha in ay isugu yimaadan masaajida si ay Alle uga baryaan in uu caafiyo.

Qarrax madoobaadkan ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Culimada sayniska ayaa sheegay in uu qorax madoobaadku qaadan doono muddo afar saacadood, isla markaana saameyn doona dhul dhan 270km oo laga bilaabo magaalada Nairobi