
Waxaa degan xaaladda guud ee magaalada laascaanood kadib markii shalay shacabka ku dhaqan magaaladaas ay dhigeen banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday ciidamada Somaliland ee magaaladaasi gacanta ku haya.
Rabshadii ka dhacay magaalada laascaanood ayaa sababay khasaare isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeed.
Bannaanbaxa rabshadaha watay ee ka dhacay Laascaanood ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Somaliland ay dil u geysteen nin u dhashay magaalada Laascaanood.
Mudooyinkan waxaa magaalada Laascaanoood ka taagnaa xiisad markii ay Somaliland ay sheegtay in ay ka hirgalineyso diiwaan gelinta, isla markaana shacabka ay si weyn uga soo horjeedaan.