
Siilaanyo oo aad uu khal khal uga muuqdo ayaa hadal is burinaya ka yidhi shirkii caasimada dalkiisa lagu qabtay ee Muqdisho, asagoo marna yidhi waan soo dhaweyney marna leh waan canbaareynaynaa, Siilaanyo oo 90 jir ah ayaa taariikhda gobolada waqooyi ku tilmaamay kuwa askumay sanadkii 1887, taasoo ku siman wakhtigii Aabihiis dhashay, wuxuuna ilaawey in waxii ka horeeyey gumaystaha dalku ahaa Somali Country, dadkuna ahaa Soomaali. Wuxuuna ka been sheegay dalal kale oo ayagoo aan isku dal, dad, diin, midab, af iyo xataa isu bed ahayn heshiisyo midow kala saxiixday ka dibna kala noqday. Sidoo kale Siilaanyo ayaa marba qar isku qaadya, walow uu akhirnayey warqad sida muuqata ay qoreen dhalinyaro ka madhan taariikhda dalka SOomaaliya
Siilaanyo wuxuu moodaya in Soomaaliya dhalatay wakhtigii gaaladu dalka qabsadeen, wuxuu kaloo ka been sheegay ama qofka qoraalka u soo sameeyey ku ceebeeyey in kelmeda ”Land” la socotay gumaystihii, sida Itali Somaliland oo koonfurta ahayd, Franch Somaliland oo xeebta Obokh ah iyo labada gobol ee NDF iyo Resever aria oo ingiriisku gaar u meersaday.