Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR oo sheegtay in 70,000 diyaar u yihiin inay Soomaaliya ku noqdaan – DHEGEYSO

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 70,000 oo kamid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Waa tiridii ugu badnayd ee la sheego in ay ku noqonayaan Soomaaliya xilli wali ay jiraan caqabado ay kamid yihiin in dadkaasi aanay haysan nolosha aas-aasiga ah marka ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.