Dagaalyahannada Kurdiyiinta oo Mosul bariga, woqooyiga ka soo weeraray

Dagaalyahannada Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay hawl-gal wayn ka bilaabeen bariga iyo woqooyiga Mosul, kaas oo qayb ka ah gulufka la doonayo in kooxda la baxday Dowladda Islaamka lagaga saaro magaalda.

Kurdiyiintu waxay sheegeen in hawl-galkan looga golleeyahay in lagu go’doomiyo magaaladan wayn ee ah tii ugu dambaysay ee ay mitidiintu gacanta kaga hayaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq.

Ciidanka Ciraaq ayaa maalmahan ba dhinaca koonfureed kaga soo siqayay magaalada iyadoo ciidamda sida gaarka ah u tababarinina ay markii dambe ku soo biireen gulufka.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay jiraan calaamado muujinaya in hogaamiyeyaasha Daacish ay ka baxsadeen magaalada, waxaase la rumaysanyahay in ilaa 5,000 oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Dowladda Islaamka la baxday weli ku jiraan magaalada.