Isku aadka xulalka ka qeyb qaadanaya koobka Qaramada Afrika ee 2017 ka dhici doona dalkaasi Gabon.

Waxaa xalay caasimadda Libreville ka dhacay isku aadka xulalka ka qeyb qaadanaya koobka Qaramada Afrika ee 2017 ka dhici doona dalkaasi Gabon.

Xulka Ivory Coast ee difaacanaya koobka Qaramada Afrika, ayaa wajihi doonna macallinkii koobkaasi u qaaday sanadkii 2015, Herve Renard.

Xulka uu hadda laylinayo ee Morocco ayaa waxa ay Ivory Coast ku wada jiraan Guruubka C, waxaana kala tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Togo.

Morocco iyo Ivory Coast ayaa sidoo kale isku Guruub ka tirsan isreereebka loogu soo baxayo Koobka Adduunka ee 2018 ka dhici doona Ruushka.

Guruubka D ayaa waxaa ka wada tirsan xulalka Ghana, Masar, Uganda iyo Mali. Ghana ayaa sanadkii 1978-kii fiinaalka koobkan uga adkaatay Uganda, waxaana xulkaasi oo tan iyo markaasi hadda oo keliya soo gaaray heerkan, uu sanadihii dambe muujiyay in uu u babac dhigi karo Ghana.

Guruubka B ayaa lagu tilmaamay in uu yahay kan ugu adag, waxaana isugu yimid Algeria, Tunisia, Senegal iyo Zimbabwe oo aan la dhayalsan karin.

Isku aadka ayaa waxaa Guruub sahlan ka galay dalka martigelinaya tartanka ee Gabon, waxaana Guruub A kula jira Guinea-Bissau oo markii ugu horeysay tartanka dheeleysa, Cameroon iyo Burkina Faso.