
Ciidamada Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay tiro dad ah u soo qab qabteen qaraxii maanta lagu weeraray xerada, ay ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Ciidamada Jabuuti oo qaraxaasi ka dib isu fidiyay xaafadda Hawlwadaag iyo xaafadaha kale ee Galbeedka Magaalada Baledweyne ku yaala, ayaa waxay ku soo qab qabteen dad ay la xiriirinayaan Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Jabuuti, ayaa sidoo kale hal nin oo dhaawac qaba kala baxay Isbitaalka Guud Baledweyne, kaasoo lagu tuhmaayo in uu wax ka ogaa qaraxaasi.
Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Somaliya, Korneyl Xasan Jaamac Faarax, ayaa sheegay in dadka la soo qab qabtay ay iminka baaritaano ku wadaan.
Taliyaha, ayaa ka gaabsaday tirada dadka ay gacanta ku soo dhigeen, marka laga soo taggo in uu xaqiijinayo inay dad u soo xir xireen qaraxaasi.