
Siyaasi miigane Muuse oo kamid ah dhalinyarta la jaan qaadaya siyaasada somaliland oo degan magalada borama islamarkaana kamid dhalinyarta sida xooga ah ugu dhaqdhaqaaqa qadiyada gobolka awdal ayaa cambaareeyay xadhiga xukuumadu kula kacday Ex mayir ku xigeen kii borama Xildhiban Maxamed dheereyste
siyaasi miigane oo la soo xidhiidhay mareegaha internetka ee wabsite yada ayaa u sheegay inuu aaad uga xunyahay islamarkaana uu cambaaraynayo xadhiga foosha xun ee lagula kacay Xildhiban Maxmed dheereyste oo Kamid ah xildhibanada golaha deeganka degmada borama.
Hadaba Xukuumada Siilaanyo ee maamulka SNM ayaa ugaadhsi ku haysa Siyaasiyinta Dadka Run sheega ah Ee ka soo horjeeda Cadaadiska iyo cabudhinta Dadka dega gobolada galbeedka
Dhinaca kale siyaasi miigane muuse Wuxuu Iftiimiyay Cawaaqibka ay keeni karto xadhiga lagula kacay xildhiban dheereyste isagoo sheegay in hadii si degdega xukuumadu uga jawaabi waydo xadhigaas lagula kacay masuulkan ay taas natiihadeedu noqon karto kacdoon ka dhan dadka dega gobolada galbeedka .
siyaasigan oo hoosta ka xariiqay in ay naan u dulqadanayn xadhiga nuucaasi ah ee lagula kacayo masuuliyinta xadhiga micna daradaa lagula kacayo taasina waa tii uu suldan wabar iyo ka biyo diiday.
Xigasho: Camuudnews Desk Office