Kala qaybsanaanta dhanka hogaanka ee Boko Xaraam-ta Nigeria

Abubakar Shekau ayaa sheegay in uu wali isagu hogaanka u hayo malayshiyada Boko Xaraam inkastoo kooxda isugu yeertay Dawladda Islaamka ay sheegtay in ay qof kale ku badashay.

Wuxuu diiday go’aanka ay kooxda Dawladda Islaamku ugu magacawda hogaanka ururka Abu Musab al-Barnawi.

Magacaabidda ayay ku shaaciyeen cod ay sii daayeen Arbacadii.

Shekau ayaa al-Barnawi ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu xilka inqilaab kula wareegayo.

Boko Xaraam ayaa u dagaalamaysa in ay xilka ka tuurto dawladda Nigeria ayna qaybta waqooyi ka dhisto xukuumad Islaami ah.

18 kii bilood ee u dambeeyayna waxay lumisay inta badan dhulkii ay maamulaysay kaddib markii ay dib uga riixeen ciidammada Nigeria iyo kuwa dalalka dariska la ah.