Tooshka ciyaaraha Olympiga oo gaadhay magaalada martigelineysa ee Rio de Janeiro wadanka Brazil

Tooshka ciyaaraha Olympiga ayaa gaaray magaalada martigelineysa ee Rio de Janeiro, ka dib 3 bilood oo lagu soo wareejinayay magaalooyinka dalkaasi Brazil.

Waxaa magaalada laga soo geliyay dhanka badda, ayadoo doonta siday tooshkana uu naaquudo ka ahaa nin Brazil u dhashay oo horay billad uga guuleystay ciyaaraha Olympiga.

Duqa Rio, Eduardo Paes, ayaa tooshka kusoo wareejiyay bartamaha magaaladaasi.

Tuulada Olympiga ee magaaladaasi ayaa waxaa laga sameeyay daqiiqad aamusnaan ah, oo lagu xusayay dadkii ku dhintay ciyaarihii Munich ee sanadkii 1972.

Qaban-qaabiyayaasha ciyaarahan ayaa sheegay in aan weli la iibsan tikityo ka badan hal milyan, waxaana ay taasi u ku tilmaameen mid ka dhalatay dhaqaale xumida ka taagan Brazil iyo walaaca laga qabo fayraska Zika