Nin loo haysto in malaayin dollar uu si qayaano ah ku qaatay oo lagu qabtay dalka Nigeria

Dalka Nigeria ayaa lagu xirey nin loo haysto in uu madax ka ahaa shabakad internetka si qayaano ah uga qaaday lacag ka badan £45million dad ku nool dalal badan oo caalamka ah.

Ninkan oo ah afartan jir u dhashay dalka Nigeria ayaa magaciisa lagu soo koobay ‘Mike’ waxaana lagu xirey magaalada ku taal koofurta dalka Nigeria ee Port Harcourt iyadoo loo haysto inuu ka dambeeyay lacago si turufo ah loogaga qaatay boqolaal ruux dunida dacaladeeda.

Sida laga soo xigtey Booliska caalamka Interpol qof ka mid ah dadka lacagaha sida qiyaanada ah loogaga dhacay ayaa laga qaatay lacag ka badan labaatan million oo dollar.

Ninkan la qabtay ayaa la sheegay inuu madax u ahaa shabakad dunida dacaladeeda ku kala firirsan kuwaasoo emailo u dira dadka una sheega inay ganacsi u hayaan wadamada la sheegay in ninkan uu xarumo dadka lagu qiyaano ku leeyahay ayaa waxaa kamid ah United States, Australia, Canada, India, Malaysia, Romania, South Africa iyoThailand.

Shabakadan ayaa waxaa ay ka kooban tahay illaa iyo afartan ruux oo ku kala sugan Nigeria,Malaysia iyo Koofur Afrika kuwaasoo qayaanada iyo lacagaha la isdhaafiyaba ka sameeyay dalalka Shiinaha,Europe io Maraykanka.

‘Afartan jirkan u dhashay dalka Nigeria oo magaciisa laga yaqaan Mike waxaa la rumeysan yahay in uu mas’uul ka yahay qayaano lagu sameeyay lacag ka badan lixdan Malyan oo dollar kuwaasoo laga qiyaameeyay dad gaaraya boqolaal ruux oo dunida dacaladeeda ku kala nool,’ayaa ururka booliska caalamiga ah ku sheegay qoraal uu ka soo saaray xariga ninkan.