Dagaallo u dhexeeya laba beelood oo ka socda Deegaanka Xiim-Cadde ka tirsan degmada Ceel-Buur ee gobalka Gal-guduud

Dagaallo u dhexeeya laba beelood ayaa ka socda Deegaanka Xiim-Cadde ka tirsan degmada Ceel-Buur ee gobalka Gal-guduud, kuwaaasoo la sheegay inay ku dhinteeen in ka badan 20-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka Walaacsan tahay dagaallada soo noq-noqonaya ee Deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhex-maraya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada-daga.

Sidoo kale, Maamul-goboleedka Galmudug, ayaa ugu baaqaya beelahaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xabadda, maadaama aanay dadku u baahneyn dhiig macno-darro ku daata, dadka ku dhimanaya Dagaalkana ay yihiin dad walaalo ah. “Waxaanu ugu baaqaynaa Al-shabaab iyo kooxaha kale ee Qas-wadayaasha ah inay deegaankaas ka daayaan hurinta colaadeed ee ay ka wadaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Galmudug. Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay Odayaasha-dhaqanka beelaha colaaddu u dhexeyso inay u is-taagaan sidii ay Dagaalladaan u joojin lahaayeen, isla markaana arrinta la isku hayo lagu dhameeyo wada-hadal iyo nabad