Dad badan ayaa la la’ yahay ka dib markii ay buundo duntay jid aada Goa ee dalka Hindiya

Ugu yaraan 22 qof ayaa maqan ka dib markii jid wayn oo buundo isku xirta Mumbai iyo magaalada Goa ee galbeedka Hindiya ay duntay.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in laba bas oo siday dad ay ku dhaceen wabiga oo fatahaaday subaxnimadii Arbacada.

Sarkaalka boliiska Sanjay Patil ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP, in shaqaalaha gargaarka aysan arkin dad badbaaday ama baabuur.

Roob xoogan ayaa adkeeyay howlgalka shaqaalaha badbaadada. Baabuurta ayaa loo leexiyay buundo kale oo meesha u dhow.

Op Singh, oo ah madaxa hayadda qaranka ee gurmadka degdega, ayaa sheegay in 80 qof oo shaqaale loo diray goobta oo ay ku jiraan darawalo.

india