Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wada-tashiga iyo qodabada looga hadlayo(Sawiro)

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan oo lagu dhameystirayo qodobadii ka dhimanaa doorashooyinka Soomaaliya loo qabanayo sanadkaan 2016-ka, waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax ka socota beesha caalamka.

Shirka oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhameystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Maxamed (Odawaa) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobada muhiimka ah ee shirka looga hadlayo ay qeyb ka yihiin warbixin laga sugayo guddiga qilaafaadka oo ku saabsan qilaafaadka ka dhalan kara doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in looga hadlayo labada maalin ee uu soconayo shirka doorka haweenka ay ku yeelanayaan baarlamaanka la filayo, iyo waliba aqalka sare.

Waxaa wasiirku uu sheegay in gaba gabada shirka lagu soo gudbin doono xiliga rasmiga ah ee doorashada la qaban doono iyo xiliga ay dhamaan doonto, iyo sidoo kale qodobada wali dhiman eek u
aadan doorashooyinka 2016.

Halkan Ka Aqriso qodobada la filayo in looga hadlo Shirka goordhaw furmaya

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)

Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.

Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016

Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.

Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda

Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)

Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016.

IB0A2483 IB0A2487 IB0A2490 IB0A2498 IB0A2500 madasha1IB0A2475IB0A2472