Yurub oo markii ugu horaysay booqanaysa Turkiga inqilaabkii ka dib si ay uga jawaabaan eedaha ay labada dhinac kala tirsanayaan

Markii dowladda Turkigu ay ku dhawaaqday saddexda bilood ee xukunka degdegga ah afgembigii kaddib, waxay si toos ah u joojisay ku dhaqanka heshiiskii xuquuqda aadanaha ee Yurub, waxaana jiray eedo ku saabsan in si xun loola dhaqmay qaar ka mid ah dadkii loo xiray inay ku lug lahaayeen inqilaabkii fashilmay.

Arrintaasi waxay ka mid tahay agendaha ugu sarreeya ee xoghayaha guud ee golaha Yurub,Thorbjorn Jagland, oo isagu mas’uul ka ah ilaalinta ku dhaqanka xeerarka xuquuqda aadanaha ee waddammada xubnaha ka ah qaaradda Yurub.

Laakiin waxaa uu sidoo kale maqli doonaa liis cabashooyin ah oo dowladda Turkigu u soo jeedin doonto wax ay u aragto Yurub iyo Maraykanku inay si xoog leh u taageeri waayeen.

Ma jirin saraakiil sare oo kale oo xagga siyaasadda ka socda oo Turkiga booqday tan iyo markii afgembigu dhicisoobay. Saddex wafdi oo baarlamaanka Turkiga ka socday ayaa loo kala diray London, Brussels iyo Washington si ay kiiska dowladdooda ugu bandhigaan.

Maraykanka waxay ku cadaadinayaan in loo soo gacan geliyo wadaadka daaciga islaamiga ah ee Fethullah Gulen, oo dowaldda Turkigu ay ku eedeynayso inuu soo maleegay afgembiga.

Maraykanku waxaa uu sheegay inay horeba uga fiirsanayeen codsiga Turkiga. Turkigu waxay ku adkaysanayaan in Maraykanka looga baahan yahay inay arrintan dhaqso wax uga qabtaan.