Diyaarada Emirates oo ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Dubai

Diyaarad ay leedahay shirkada Diyaaradaha Emirates , ayaa ku bur burtay kuna gubatay garoonka Diyaaradaha magaalada Dubai, wax yar un kadib markii ay diyaaradaasi ay garoonka soo cago dhigatay.

Diyaaradan gubatay ayaa kasoo duushay magaalada Trivandrum ee dalka Hindiya, waxa ayna kusoo dageysay magaalada Dubai, waxaana dab xoogan uu ka kacay diyaarada markii ay soo caga dhigatay dhabah ay Diyaaradu ku ordaan.

Waxaa dhamaan la bad baadiyay 282 -qof oo isugu jiary rakaaakii diyaarada saarnaa iyo shaqaalaha diyaarada, xaalada ayaana hada ah mid degan, waxaana lagu guulestay in la damiyo danka ka kacay diyaarada .

Si dhab ah looma oga waxa dhaliyay shilkan sababay in uu diyaarada dab qabsado ayna bur burto, waxaama socda baaritanao arintaasi lagu ogaanayo.