Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama oo sheegay in Donald Trump u qalmin hogaaminta dalka USA (Video)

Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday musharraxa xisbiga jamhuuriga, Donald Trump, waxaana uu sheegay in aanu u qalmin hogaaminta dalkaasi.

Todobaadkii lasoo dhaafay, xilli uu Obama ka hadlayay shirweynihii qaran ee xisbiga Dimuqraadiga, ayaa waxa uu sheegay in aanu fileynin in Trump uu haysto taageerada inta badan xubnaha qunyar socodka ah ee xisbigiisa.

Madaxweyne Obama ayaa codkiisa ku biiriyay dadka Donald Trump ku dhaliilay hadalkii uu ku weeraray qoyska wiilkoodii askariga ahaa uu kaga dhintay dagaalkii Ciraaq. Waxa uuna tilmaamay in Trump aanu ahayn qof Maraykanka hogaamin kara.

Obama ayaa ugu baaqay xubnaha xisbiga Jamhuuriga in ay iska fogeeyaan Trump, isla markaana aanay taageero u fidin.

Donald Trump oo ka jawaabaya hadalka madaxweynaha ayaa sheegay in Obama uu ku guuldareystay hogaanka dalka, isagoo intaa raaciyay in musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Hillary Clinton, aan lagu aamini karin hogaanka Maraykanka