Salaad Cali Jeelle: ” Haddii doorashada Waqtigeedu dhici weyso Talada dalka Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiintaa la wareegaa”.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in haddii ay dalka Doorasho ka dhici weyso waqtigii hore loogu iclaamiyay in talada dalka ay la wareegayaan Odayaasha dhaqanka , Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed maadaama waqtiga dowladda uu idlaanayo.

Salaad Cali Jeelle ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya  ay ku fashilantay hir gelinta waqtigii loogu tala galay in dalka doorasho ka dhacdo waxaana uu intaas ku daray siyaasigaan in Waqti Xaadirkaan aaney dalka ka muuqan ififaalo Doorasho xilligii doorashadana la joogo.

“ wax laga xumaado waaye in guddigii loo igmaday Doorashada in uu yiraahdo ma sheegi karo waqtiga ay dhaceyso doorashada , waana Masuuliyad darro weyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mudane Salaad Cali Jeelle.

Ku tala galka ayuu sheegay in uu ahaa in 20-ka Bishaan August la dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya laakiin hadda taasi aysan muuqan.

Guddiga Hir gelinta Doorashooyinka Dadban ayaa dhawaan ku dhawaaqay in aysan shaacin Karin waqtigaan xilliga doorashada Soomaaliya balse ay dib ka sheegi doonaan.

Si kastaba waxaa qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ka muuqaneysa walaac xoogan oo ay ka qabaan in ay qabsoomi karto doorashada sanadkaan.