(09/08/2016) Manchester oo 115 milyan oo doolar ku soo iibsatay Paul Pogba

Kooxda Manchester United ayaa cayaaryahanka qadka dhexe ka ciyaara ee Paul Pogba soo iibsatay.

Paul Pogba waxaa lagula soo wareegay qiimo lacageed oo noqonaya kii ugu badnaa ee soo mara isboortiga.

Cayaaryahankan ayaa ugu soo biiray kooxdani Manchester United qandaraas lagu sheegay in uu gaarayo 115 milyan oo doolar.

Waxaa laga soo iibsaday kooxda Juventus ee talyaaniga laga leeyahay. In mudo ah ayuuna socday gorgortan ciyaaryahankan.

Paul Pogba waa 23 jir. Horay ayuu u soo maray kooxda Manchester United oo uu u dheeli jiray.

Paul Pogba waxaa sidoo kale raadinaysay kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Ciyaaryahankan waxuu ka dheelaa qadka dhexe. Waxuuna dalkiisa Faransiiska gaarsiiyay ciyaarihii Yurub ilaa ku dhowaadka dhamaadka.

Kooxda Manchester Macalinkeeda Cusub ayaa horay u soo iibiyay Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan.

Paul Pogba waxuu kooxda Juventus u dheelay 178 jeer, waxuu dhaliyay 34 gool.