(09/08/2016) Muran soo kala dhexgalay Donald Trump iyo saraakiil sare oo ka tirsan laamana amniga qaranka Maraykanka

Muran ayaa ka dhex billowday musharaxa xisbiga Jamhuuriga dalka mareykanka ee Donald Trump iyo 50 sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee laamana amniga qaranka waddankaasi oo intooda badan la soo shaqeeyay maamulkii madaxweyne Bush.

Saraakiishani oo ay ka mid yihiin agaasimihii hore ee CIA-da mareykanka iyo labo nin oo madax ka ahaan jirtay wasaaradda arrimaha amniga gudaha ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Trump uusan la hayn dabeecadda, qiyamka iyo waayo aragnimo uu ku noqdo madaxweynahe.

Waxa ay saraakiishani saadaaliyeen in Trump uu noqon doono madaxweynaha ugu taxaddar la’aanta badan taariikhda mareykanka.

Trump ayaa hadalkaasi uga jawaabay in saraakiishaasi ay ka tirsan yihiin aqoon yahanno fashilmay oo reer Washington ah, kuwaasi oo ay tahay buu yiri in lagu eedeeyo in caalamka ay ka dhigeen meel halis badan