(August 26,2016) Isku-aadka Horyaalka Yurub oo la sameeyay iyo Ronaldo oo ku guuleystey ciyaaryahanka Yurub – SAWIRO

Isku aadka kooxaha ciyaaraya tartanka xiisaha badan leh ee horyaalada Yurub ama Champion League ayaa goor dhow lagu dhowaaqay  32ka kooxood guruubyada ay ku ciyaarayaan.

Kulamada dhex maridoona kooxaha Bayern Munich, Atletico Madrid- Real Madrid, Borussia Dortmund- Barcelona, Manchester City iyo PSG V Arsenal ayaa ah kulamada ugu xiisaha badan ee ka soo baxay isku aadkii Groupyada Champions Leaque-ga.

Group A: PSG, Arsenal, Basle, Ludogorets

Group B: Benfica, Napoli, Dynamo Kiev, Besiktas

Group C: Barcelona, Manchester City, Borussia Monchengladbach, Celtic

Group D: Bayern Munich, Atletico Madrid, PSV Eindhoven, Rostov

Group E: CSKA Moscow, Bayer Leverkusen, Tottenham, Monaco

Group F: Real Madrid, Borussia Dortmund, Sporting Lisbon, Legia Warsaw

Group G: Leicester, Porto, Club Brugge, Copenhagen

Group H: Juventus, Sevilla, Lyon, Dinamo Zagreb

 

Taariikhda la ciyaari doono kulamada Heerka Groupyada Champions Leaque-ga:

Kulamada Kowaad: 13–14/09/16

Kulamada Labaad: 27–28/09/16

Kulamada Saddexaad: 18–19/10/16

Kulamada Afraad: 01–02/11/16

Kulamada Shanaad: 22–23/11/16

Kulamada Lixaad: 06–07/12/16

Champions-Leaque1

Dhinaca kale Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa markii labaad ku guulaystay abaal marinta xidiga Yurub ugu fiican wuxuuna abaal marintan ku garaacay xidiga ay isku kooxda Real Madrid yihiin ee Gareth Bale iyo xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atetletico Madrid ee Antoine Griezmaan.

Markii uu ku guulaystay abaal marinta xidiga yurub ugu fiicanaa xili ciyaareedkii 2015/16 ayuu Ronaldo dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: ” In aan noqdo ciyaartoy kubbada cagta ah, inaan ku guulaysto kubbada cagta waxaan filayaa in ay tani tahay waxaan qabtay”.

Ronaldo ayaa hore sanadkii 2014 kii ugu soo guulaystay abaal marinta uu hadda hantiyay ee xidiga Yurub ugu fiican wuxuuna barbareeyay Lioneol Messi oo ahaa xidiga kaliya ee hore laba jeer ugu soo guulaystay abaal marinta xidiga Yurub ugu fiican balse Messi ayaan doorkan ku soo bixin saddexdii xidig ee iskugu soo hadhay abaal marintan.

Ronaldo oo ka hadlaya Bale iyo Griezmann ayaa yidhi: “Waxaad sidoo kale u qalanteen in aad abaal marinta ku guulaysataan sababtoo ah waxaad tihiin ciyaartoy aan la rumaysan karin”.Cristiano Ronaldo ayaa laf dhuun gashay ku noqday Antoine Greizmann waxa uu kaga soo guulaystay finaladii Champions Leaque-ga iyo Euro 2016 halka uu markale hor mariyay abaal marinta xidiga yurub ugu fiican.

QAABKII LOO SAMEEYAY ISKU AADKA CHAMIONS LEAQUE-GA 

JADAWALKA QAABKA AY KOOXUHU U WADA CIYAARI DOONAAN HEERKA GROUPYADA CHAMPIONS LEAQUE OO DHAMAYSTIRAN: