(August 26,2016) Weerarkii Maqaayada Banaadir Beach oo lasoo afjaray iyo meydadka dad la dilay oo….- SAWIRO

Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Nabad Sugida Soomaaliya ayaa ku guuleestay in xalay Saqdii Dhaxe ay soo afjaraan Weerarkii dagaalyahano hubeesan xalay ku galeen Maqaayada Banaaeir Beach ee kutaala xeebta Liido.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhamaan la toogtay ragii hubeesnaa ee gudaha u galay Maqaayada, waxa uuna intaa raaciyay in hada xaalada caadi tahay lana soo afjaray howlgalka.

Waxa uu sheegay Taliyaha in Qasaaraha ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach uu gaarayo ilaa sagaal ruuux oo dhimasho oo shan kamid ah yihiin dad Shacab ah ay ku jiraan Haween , labo askari iyo labo nin oo ah ragii weerarka ka dambeeyay ah.

Gudaha Maqaayada Banaadir Beach iyo banaankeeda ayaa lagu akayay meydadka dad ku dhintay weerarkaas, waxaana ku jira dad dhimntay haween kuwaa oo loo maleenayo in ay toogteen ragii weerarka ka dambeeyay.

Xaalada Xeebta Liido ee ku taalo maqaayada la weeraray ayaa hada degan, ciidamada amaanka ayaa wali baaritaano kawada qeybo kamid ah maqaayada , waxa ayna ciidamada ay baaritaano ku sameeyeen qaar badan oo kamid ah dadkii lasoo ad baadiyay.