Barcelona oo guul wayn ka gaadhay kooxda koobka premier Leaque-ga haysata ee Leicester City kulan xiiso badnaa oo Sweden labada kooxood ku dhex maray.

Barcelona ayaa guul wayn ka gaadhay kooxda koobka premier Leaque-ga haysata ee Leicester City kulan xiiso badnaa oo Sweden labada kooxood ku dhex maray. Barcelona ayaa guushan ku gaadhay 4:0 iyada oo da’yarka  Munir El Haddadi Mohamed uu laba gool ka dhaliyay kulankan. Luis Suarez iyo da’yarka kale ee Rafael Sebastián Mújica ayaa min hal gool dhaliyay.

Laba gool oo ka yimid saxiixa cusub ee Ahmed Musa ayaa mar u muuqday in Leicester City ay ciyaarta dib ugu soo laaban kartay balse Barcelona ayaa awooday in ay u awood sheegato kooxda Foxes. Leicester City ayaa qaybta danbe ee kulankan soo badhigtay ciyaar aad u habaysnayd.barce

Kooxaha haysta koobabka horyaalada Spain iyo England ee Barcelona iyo Leicester City ayaa iskaga hor yimid dalka Sweden  kulankan ka tirsanaa International Champions Cupka. Barcelona iyo Leicester City ayaa hore guulo uga soo gadhay kooxda ree Scotland ee Celtic.

Tababare Luis Enrique ayaa sidii kulankii hore shaxdiisa ku soo bilaabay Lionel Messi, Luis Suarez, Denis Suarez iyo Arda Turan iyada oo goolka uu markale ku soo bilawday Masip. da’yarka Munir, Camara iyo Marlon ayaa dhamaan kulankan uu Enrique shaxdiisa ku soo wada bilaabay.

Riyad Mahrez ayaa ku soo bilawday shaxda Foxes wuxuuna ka hor yimid kooxda uu ku riyoodo in uu ka ciyaaro ee Barcelona waxayna shaxda Liecester City ku soo wada bilawdeen  Jamie Vardy.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Barcelona (4-3-3): Masip; Vidal, Marlon, Mathieu, Camara; Turan, Sergi Roberto, Denis Suarez; Messi, Suarez, Munir.

Kaydka: Alena, Aurelio, Nili, Mascherano, Martinez, Mujica, Busquets, Alfaro, Samper, Carbonell.

Leicester (4-4-1-1): Zieler; Simpson, Morgan, Huth, Chilwell; Albrighton, King, Drinkwater, Gray; Mahrez; Vardy.

Kaydka:  Ulloa, Schlupp, Musa, Mendy, Kapustka, Hernandez, Okazaki, Schemichel, Wasilweski, Fuchs, Amartey.

Labada kooxood ayaa dar dar iyo fursad abuuris ciyaarta ku soo galay Barcelona ayaa noqotay kooxda qaybta hore gacanta sare ku lahayd kubbad haynta iyo waliba natiijada kulankan. Leicester City ayaa ku dhibtootay weerarka Barcelona ee ay Lionel Messi, Luis Suarez, Munir iyo Denis Suarez.

Daqiiqadii 3 aad Barcelona ayaa  ugu dhawaatay in ay xili horeba hogaanka la wareegto kadib markii uu Suarez helay fursad cajiib ah balse fursadan ahaan noqon mid lagu dhaliyay gool xili hore ah. Barcelona ayaa doonaysay in ay xili horeba goolal la timaado.

Balse laba daqiiqo oo kaliya kadib Leicester City yaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay qaybta hore abuurtay kadib markii uu  Drinkwater kubbad fiican ka soo shaqeeyay waxaana fursad layaableh helay Demarai Gray kaas oo ugu dhawaaday in uu Leicester City hogaanka u dhiibo balse kubbada uu goolka la hor joogay ayuu birta goolka dul marayay. Alla maxay fursad ahayd!.

DAQIIQADII 26 GOOOOL!: Barcelona ayaa ugu danbayn hogaanka ciyaarta qabtay kadib markii uu da’yarka  Munir El Haddadi Mohamed si qurux badan u dhamaystiray kubbad LAYAABLEH oo uu ka helay Lionel Messi. wuxuuna Munir ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Messi ayaa kubbad cajiib ah ku kala dhantaalay kooxda Leicester City , wuxuuna kubbad meel fiican uga saaray Munir kaas oo ka boos qaatay difaaca Foxes ka hor intii aanu jahada qaldan u dirin goolhaye Zieler. xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid sare u kacday.

Daqiiqadii 33 aad Messi, Suarez iyo Arda Turan ayaa si fiican iskugu xidhmay laakiin ugu danbayn fursad gool loo fishay oo uu Suarez helay ayuu goolhaye Zieler si fiican iskaga badbaadiyay, waxayna markan Barcelona raadinaysay goolkeeda labaad halka Leicester City ay difaceeda ku mashquulsanayd.

DAQIIQADII 34 GOOOOOOL! Barcelona ayaa la timid goolkeeda labaad ee ay niyada kaga xumaysay kooxda Leicester City waxaana markan gool qurux badan indha ku xaday isla markaana ceeb u soo jiiday difaaca Leicester City  Luis Alberto Suárez kaas oo dariiq ka dhigtay difaacyada Foxes ka hor intii aanu kubbada ku hubsan shabaqa Leicester City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.

Markale Lionel Messi ayaa ka soo shaqeeyay goolka Luis Suarez isaga oo si wayn saamayn ugu lahaa khadka dhexe ilaa weerarka kooxdiisa. Daqiiqadii 39 aad Leicester City ayaa fursad fiican heshay kadib markii uu Albrighton kubbad laaga xorta ah soo tuuray waxaana fursadan gool ku dhalin gaadhay Huth balse kubbada ayaa ka dheeraatay.

DAQIIQADII 45 GOOOOOL! Barcelona ayaa markan la timid goolkeeda saddexaad waxaana markale kooxda Luis Enrique goolka saddexaad udhaliyay Munir El Haddadi Mohamed kaas oo caawin fiican ka helay Luis Suarez, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Barcelona hogaanka ugu raaxaysanayso sidaa ayayna qaybta hore ku dhamaatay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Leicester City ayaa samaysay badalo muhiim ah waxayna ciyaarta soo galisay saxiixyada cusub ee Ahmed Musa, Luis Hernández  iyo Nampalys Mendy  isaga oo ciyaarta ka saaray Andy King Demarai iyo Gray Robert Huth, waxayna noqdeen badal lagu faa’iiday oo ciyaarta wax wayn ka badalay.

Dhinaca kale Luis Enrique ayaa ciyaarta ka saaray Messi, Marlon Santos iyo Turan wuxuuna ciyaarta soo galiyay Mascherano, Busquets iyo Sergi Samper. Laakiin qaybta danbe Liecester ayaa la soo baxday wacdaro aan qoraal lagu soo koobi karin iyada oo markiiba bilawday in ay hurdada ka kacdo.

DAQIIQADII 47 AAD GOOOOOOOL!: Leicester City ayaa la timid goolkeeda hore waxaana goolkan udhaliyay xidiga ay rekoodhkii suuqa kala iibisaga ee kooxdeeda ay u jabisay ee Ahmed Musa kaas oo goolkan ku  dhaliyay kubbada uu ka helay  Shinji Okazaki , wuxuuna Ahmed Musa ciyaarta ka dhigay 3:1 ay wali Barcelona hogaanka ku hayso.

DAQIIQADII 66AAD GOOOOOOOOOOL!: Waan u qalmaa lacagta laga iga soo bixiyay ree rekoodhka ah! Markale xidiga ree Nigeria ee Ahmed Musa ayaa goolkiisa labaad isla markaana ahaa goolka labaad ee kooxdiisa Leicester City ayaa si qurux badan u dhamaystiray kadib markii uu kubbada ka helay  Jeffrey Schlupp, wuxuuna markan Ahmed Musa ciyaarta ka dhigay 3:2 uu Foxes ciyaarta dib ugu soo celiyay isla markaana uu hogaankii Barcelona ku soo koobab hal gool.

Barcelona ayaa u muuqatay in ay ku dhibtoonaysay kubbada weerarka deg deg ah iyo orodka badan ku dhisnayd ee ay Leicester City la soo baxday iyo waliba xirfada aan caadiga ahayn ee uu muujiyay Ahmed Musa. Barcelona ayaa marar dhawr ah fursado fiican heshay laakiin Luis Suarez ayaa fursadahan lumiyay.

Xaqiiqadii qaab ciyaareedka Ahmed Musa ayaa ahaa mid aad looga helay isaga oo muujiyay tayadiisa ciyaareed iyo sababta ay Leicester City ugu jabisay rekoodhka suuqa kooxdeeda. Enrique ayaa sidoo kale ciyaarta ka saaray Luis Suarez iyo Munir taas oo Barcelona ka dhigtay in ay xamaasadeedii hoos udhacday.

DAQIIQADII 84 GOOOOOOOOOOL! Barcelona ayaa ugu danbayn nafteeda dib u heshay waxayna ka baxday cadaadiskii aan caadiga ahayn ee ay kala kulmaysay weerarka Leicester City, waxaana goolka afraad ee markale Foxes niyada ka jibiyay u saxiixay da’yarka qaybtii danbe soo galay ciyaarta ee  Rafael Sebastián Mújica kaas oo kubbad fiican ka helay isla da’yarka kale ee Alejandro Carbonell, waxayna ciyaartu noqotay 4:2 ay Barcelona ku heshay goolka kalsoonida.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:2 ay Barcelona ku garaacday kooxda koobka premier Leaque-ga haysta ee Leicester City. Barcelona ayaa sidaa ku gaadhay guushii labaad oo xidhiidh ah.