Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Oo Ciidamo Cusubi Ka Soo Degeen

Waxaa dhawaan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho kasoo degay Ciidamo cusub oo kasocda booliiska dalka Uganda, kuwaa oo loogu tala galay in ay qeyb ka noqdaan Howlgalka Nabad ilaalinta.

Ciidamada Cusub ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa badal u noqday Ciidamo kale oo katirsanaa Booliiska AMISOM oo dhawaan dalkooda dib ugu laabtay, kadib markii uu dhamaaday Waqtigii howlgalkooda Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ciidankan Cusub kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Booliiska AMISOM, waxaana ciidamadan Munaasabad kooban loogu qabtay xarunta Xalane oo ah Taliska ugu weyn AMISOM Soomaaliya ku leeyihiin.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Amisom, Christine Alalo, ayaa ciidankan Cusub kusoo dhaweesay Soomaaliya, waxa ayna kula dar daarantay in ay kasoo baxaan waajibaadka shaqo ay u yimaadeen Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Ciidamo ka socda wadamo badan oo Afrkan ah kuwaa oo kamid ah Ciidamada Booliiska AMISOM, Ciidamadan ayaana gacan ku siiya ciidamada booliiska Soomaaliya howlagalada Muqdisho iyo dhanka tababarada.