Ugaas Xasan oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo kuxigeenkiisa – WARBIXIN

Waxaa socda dadaalo la doonayo in Ugaaska Beesha Xawaadle Xasan Ugaas Khaliif looga qeyb geliyo caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo kuxigeenkiisa oo lagu wado in maalinta sabtida ka dhacdo magaalada Jowhar.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u sheegay Jowhar.com in siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo ay aad isugu dhow yihiin Ugaaska ay ku qal-qaalinayaan sidii uu Jowhar u tagi lahaa, isla markaana uga qeyb geli lahaa caleema saarka.

Caleema saarka oo lagu waday in maanta oo Khamiis ka dhacdo Jowhar ayaa dib ugu dhacday sababo farsamo iyo dadaalo la doonayo in looga soo qeyb geliyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska qura ee diidanaa maamulka lagu dhisay Jowhar.

Ugaas Xasan oo keligiis ku soo haray Beledweyn, isla markaana odayaashii ku mowqifka ahaa garbihiisa ka baxeen ayaa ka hadlin tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Dad ku dhow dhow Ugaaska ayaa sheegaya inay u badna tahay inuu taageero maamulka, balse uu ku gor-gortamo arrimo dhowr ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ugaaska uu wado shuruudo ay ka mid yihiin in Xildhibaanada Hiiraan ka imaanaya lagu soo xulo Jowhar, isla markaana loo madax banaaneeyo.

Sidoo kale Ugaaska ayaa diidan in Xildhibaanada uu soo xulayo uu ku lug lahaado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana shuruudahan lagu wadaa inuu hor-dhigo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo saacadaha soo socda ku wajahan Beledweyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ugaaska uu sidoo kale doonayo inuu galaan-gal ku lahaado xubnaaha Aqalka sare ee ka imaanaya Gobolka Hiiraan.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Beledweyn, iyadoo waddooyinka la xiray, isla markaana ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa la kulmay Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kuwaasoo u sheegay inuu taageero ka helo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ee ku wajahan Beledweyn ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, C/fataax Xasan Afrax, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, C/llaahi Goodax Barre iyo siyaasiyiin kale.

Dad badan ayaa aaminsan in siyaasiyiinta reer Hiiraan ay horay u diidanaayeen kaliya shirka Jowhar in Madaxweynaha la doorto uu noqdo mid ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe, balse mar hadii Madaxweynaha la doortay uu ka soo jeedo Gobolka Hiiraan ayaa waxay noqotay in shuruud la’aan ay ku taageeraan.