Manchester City oo Guul ka gaartay kulankii Manchester Derby

Manchester City ayaa guul ka gaartay kulankii Manchester Derby iyadoo Manchester United ku garaacday 2-1 kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Man United ayaa guul dareysatay kulankii ugu horeeyay Manchester Derby ee horyaalka England xili ciyaareedkan iyadoo ay u tahay guuldaradii kowaad macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

Laba gool oo ay City u dhaliyeen qeybta hore ciyaarta Kevin De Bruyne Iyo KelechiIheanacho ayaa guul u horseeday kooxda ka dhisan Etihad Stadium, halka golka qura oo ay gurigooda ku dhaliyeen United uu dhaliyay Ibrahimovic dhamaadkii qeybta hore ciyaarta.

Manchester City ayaa si dar-dar awoodeed iyo kubad heysasho ah ku bilowday ciyaarta iyadoo marti ah wiilasha Pep Guardiola ayaana u muuqday kuwa ku raaxeysanaya kubaddaha.

Manchester City ayaa haatan si kumeel gaar ah u hogaamineysa horyaalka iyadoo leh 12-dhibcood, waxaana laga sugi donaa hadii Blues ay kala wareegto hogaanka kooxdaan iyadoo kaashaneysa dhanka goolasha.