Waxgaradka Sh/dhexe oo codsaday in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta Hiiran iyo Sh/dhexe – SAWIRO

Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen magaalada Jowhar OdiAyaasha dhaqanka ,haweenka iyo dhalinyarada gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxa ay kaga soo hrjeesteen shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Kulanka oo ay ka hadleen waxgaradka qabaa,illada dega gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay ku sheegeen inay wanaagsan tahay in dib loo dhigo shirka gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar maadaama lagu jiro xili kala guur ah.

Nabadoon Max,uud Yaa Cali Gudoomiyaha golaha Dhaqanka gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku hadlaayay magaca odayaasha dhaqanka gobolka ayaa sheegay in xiligaan aan loo baahneyn in leysku mashquuliyo maamul usameynta labadaasi gobol maadaama mudo kabadan sided bilood lagu guul dareestay dhisida maamulka gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

“Dowlada hada jirto maheysato waqti ku filan oo ay wax noogu dhisto sidaas darted waxaan soo jeedineynaa in dib loo dhigo shirka maamul usameynta maadaama aan waqti loo heynin xiligaan hada lagu jiro lana sugo inta waqti ku haboon laga gaarayo’’ ayuu yiri gudoomiye Mmax,uud Yaa Cali.

Sidoo kale qaar kamid odayaasha oo hadlay ayaa xoojiyay hadalka Yaa Cali, iyagoo sheegay in waqtigaan aysan ku habooneen dhisida maamul goboleedka.

” Waa in aan la qasbin dadka ku nool labadda gobol taasoo ka imaan karta colaad dadka dhaxdooda ka abuuranto balse loo madaxbaneeyo dhismaha dowlad goboleedka , waxaa waqti dheer ubaahan waa in aan loo keenin carqalad iyo colaado sukeeye dadka kunool labada gobol’’ ayey yiraahdeen odsyaasha dhaqanka.

Ugu danbeyntii odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray kulankoodii maanta jowhar ay ku yeesheen.

Shirka maamul u sameynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa maalinba maalinta ka danbeysa waxaa soo baxaya caqabado horleh oo diidan in shirka uu socdo iyadoo magaalada jowhar ay ku suganyihiin masuuliyiin kasocoto wasaarada arimaha gudaha, Musharixiin iyo urur goboleedka igad.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay kulankan oo dhameystiran ayaa u qornaa sidan soo socota:-










Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com