(September 01,2016) Ugaas Xasan “Waxaa ka xumahay in Maxamed Cabdi Afey uu kala garan waayo Islii iyo Hiiraan”

Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Beledweyn waxay kaga soo hor-jeesteen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in maalinta Sabtida ah dib uga furmo magaalada Jowhar.

Duubabka dhaqanka Hiiraan ayaa ka digay in la socodsiiyo shirka Jowhar, iyagoo xusay in arrintaas ay meel xun gaari doonto, waxaana ay ugu baaqeen IGAD inay faraha kala baxaa aayaha reer Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo bishii hore lagu caleema saaray magaalada Beledweyn ayaa si kulul u weeraray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey.

“Waxaa Afey ka soo yeeray warka ah Looma Dhama, arrintaas waa waxba kama jiraan, waxaa ka xumahay in Mudane Afey uu kala garan waayo Islii iyo Hiiraan, waxaa la rabaa in dib loo soo nooleeyo dagaal qabiil, waana uga digeynaa arrintaas beesha Caalamka.

Ugaaska oo ah nin mayal adag ayaa mar kale ku celiyay diidmadiisa shirka Jowhar, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in aanay qarash ku bixin shirka, isla markaana ay cida mas’uulka ka ah arrintaas ay qaadeyso.

Sidoo kale Ugaas Xasan ayaa sheegay in Madaxda dowladda ay isku khilaafsan tahay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu shalay u dhoofay Nairobi, balse Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte ayuu u jeediyay inuusan ku deg degin arrintaas oo uu faraha kala baxo

“Maxamed Cumar Carte waxaa leeyahay Koofur aqoonta aad u leedahay waa yar tahay, yaan dhiiqada lagaga tagin, nin yara tahay kheyrkaa meesha uu ka tagay haku kadsoomin, shalay Cumar Cabdirashiid wuxuu aaday Nairobi, waxaa ognahay inuu jiro khilaaf dhexdooda oo arrintan ah”ayuu yiri Ugaas Xasan.

Waxaa uu sheegay in cabashadooda loo bedelay inay yihiin qaswadayaal, isagoo xusay in dastuurka qodobkiisa 48aad uu ogol yahay in labo sano ka baaqsadaan maamulka labada gobol, isla markaana ay noqdaan labo gobol, si maamul gaar ah u noqdaan sida uu yiri.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo dhowr oday dhaqameed ayaa horay uga soo hor-jeestay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inkastoo inta badan Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda Hiiraan ay taageersan yihiin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ku dhawaaqay maalintii shalay in 3-da bisha September oo ku beegan maalinta Sabtida uu Jowhar dib uga furmi doono shirka maamul u sameynta labada gobol, kaasoo muddo sideed bilood hakad ku jiray.