Tababarayaasha xaq ma u leeyihiin inay ciyaartoyda meel fagaare ah ku dhaliilaan?

Tababarayaasha xaq ma u leeyihiin inay ciyaartoyda meel fagaare ah ku dhaliilaa? Ama qolka lebiska ayey tahay in lagu canaanto?

Dhammaadkii isbuucii tagay, macallimka kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa warbaahinta horteeda si gaar ah ugu weeraray difaaca kooxda, Luke Shaw.

Arrintaasi waxay timid kaddib kullankii Manchester United looga badiyay 3-1 ee ay la yeesheen kooxda Watford.

Dhalleeceynta uu Mourinho u jeediyay Shaw waxay fajac iyo amakaag ku noqotay saaxiibadiisa kale, waxayna dhalisay dood adag.

Hadaba muxuu dhahay Mourinho?

Mourinho wuxuu badalay ciyaaryahan Shaw, laba daqiiqo iyo bar kadib markii goolka labaad laga dhaliyay. Goolkaasi waxaa sabab u ahaa khalad dhanka difaaca ah.

Balse waxaa loo aaneynayaa dhaawac muddo dheer qaatay oo ciyaaryahankan uu qabo.

Luka Shaw waxaa la filayaa in uu qalliin galo dhawaan

Jose Mourinho wuxuu ku doodayaa in goolkaasi uu la mid yahay mid ay Manchester City ka dhalisay Manchester United, ciyaartii 10-kii September ee Derby.

“Arrintan waa xeeladeysi waana dhaqan iyo aragti. Waa arrin aan wanaagsaneyn oo na soo martay laba isbuuc.” Ayuu yiri Jose Mourinho.

Kooxda Manchester United ayaa la dhaliilayaa kaddib markii xerfadaha ciyaaraha ee ay soo bandhigeen ay noqdeen kuwo aad u liita.

Lakiin waxaa la eegayaa sida ay wax uga badalaan qaab ciyaareedkooda. Mourinho waxa uu sheegayaa in ciyaartoyda aysan sidii la rabay u ciyaarin.

Sabtida soo socota ee 24-ka bishan Manchester United waxay gurigeeda Old Trafford ku marti qaadeysaa kooxda horyaalka difaacaneysa ee Leicester City, waxaa si gaar ah isha loogu haayaa sida ay noqon karta qaab ciyaareedka United.