Tababar loo qabtay Hogaaminta Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta DDSI oo ka furmay jigjiga.

Waxaa ka furmay magaalada jigjiga tababar loo qaybtay shaqaalaha iyo macalimiinta kuliyada waxbarashada  macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen ee DDSI.

Tababarkan oo ka furmay hoolka ay kuliyadu leedahay  ayaa waxay ujeedadiisu tahay  kobcinta awooda tayada waxbarashada, xoojinta iyo dhisida ciidan horumarineed iyo sidii macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyada fahan balaadhan loogu siin lahaa  maraxaladii iyo isbedaladii uu soomaray dalku iyo deegaankuba gaar ahaan xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale dumuqoraadiyadeed, nabadgaliyo iyo maamul wanaagba.

Tababarkan waxaa hogaaminaya madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Ibraahin Aadan mahad (sacab) iyo maareeyaha kuliyada waxbarashada macalimiinta mudane maxamuud ahmed nuur(heeryo) waxaa kale oo furitaankii tababarka ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaanka ah.

Waxaana ugu horayntii tababarkan ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashad DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu tababarku leeyahay. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay istaraatajiyada, yoolasha iyo tiirarka horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaanka , iyo habraacyada lagu fulinayo gaadhida qorshayaasi dajisan  isaga oo cabarka u dhuftay tabihii iyo xeeladihii lagaga soo gudbay wakhtiyadii adkaa ee dalka iyo deegaanku soomaray.  Madaxwayne ku xigeenku waxa uu si qoto dheer uga warbixiyay tiirka waxbarashada ee u dajisan dalka iyo deegaanka oo ah tiirka  ugu miisaanka cusus ee lagu gaadhayo horumar waara  oo joogtaysan

Wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI  mudane Ibraahin Aadan Mahad (sacab) oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sharax dheer ka bixiyay soonyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka dhibaatooyinkii iyo cadaadiskii ka jirayay wadanka iyo deegaanka iyo guulaha dhinacyada badan laga gaadhay 25kii sano ee ugu danbeeyay.

 

Dhankiisa maareeyahay kuliyada waxbarashada macalimiinta mudane Maxamuud Axmed Nuur(heeryo) ayaa ka warbixiyay ahmiyada tababarkan leeyahay. Wuxuuna tilmaan dheerka bixiya hadafka iyo himilada ay leedahay kuliyadu  macalimiinta tayada leh ee ay soo saarto kuliyadu. Maareeyaha ayaa ku booriyay   macalimiinta iyo shaqaalaha loo furay tababarka in mudada uu  socda tababarku ka qaataan kaalin fir-fircoon si ay natiijada tababarku u noqoto mid waxwayn ka qaadata xawaaraha hirgalinta qorshayaasha horumarka. wuxuuna sheegay maareeyuhu in tababarkan socondoomo mudo 4 maalmood ah.

0000kuli2.

0000kuli3