Usain Bolt oo ku guulaystay tartankiisa ugu dambeeyay ee gudaha dalkiisa

Usain Bolt oo ku guulaystay tartankiisa ugu dambeeyay ee gudaha dalkiisa

Usain BoltLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Usain Bolt ayaa orodada ka fariisanaya bisha Agoosto

Orodyahanka caanka ah ee Usain Bolt ayaa si qiiro leh ugu guulaystay tartankiisa ugu dambeeyay ee uu kaga qeyb galo gudaha dalkaasi Jamaica, asagoo boqolka mitir ku orday garoon aad loogu soo daawasho tegay oo ku yaalla caasimadda Kingston.

30 jirkan ayaa lagu wadaa in bisha Agoosto ee sanadkan uu ka fariisto orodada, ka dib marka uu ka qeyb galo orordka horyaallada caalamiga ah ee isla bishaasi ka dhacaya London.

Bolt oo sideed jeer ku guulaystay billada dahabka, ayaa si fudud ugu guulaystay tartanka boqolka mitir ee “Sharfidda Halyeeyada”, balse waxa uu sheegay in uu cabsi yar dareemay.

“Orodku caadi ayuu ahaa. Balse waxaan dhihi karaa ima soo marin tartankan oo kale, oo waxaan dareemay cabsi yar.” ayuu yiri Bolt.

Orodyahankan haysata rikoorada caalamiga ah ee boqolka iyo labada boqol ee mitir, ayaa sheegay in uu ula dhacay dadka tirada badan ee usoo daawasho tegay orodkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Jamaica, Andrew Holness iyo madaxa xiriirka caalamiga ah ee ciyaaraha fudud, Sebastian Coe ayaa ka mid ahaa dadkii daawanayay orodkaasi