Waa Sidee Shaxda Isku Darka Kooxaha Man United Iyo Chelsea Ee Ku Salaysan Xogta Qaab Ciyaareedka Xidigaha Labada Kooxood?

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa axada iskaga hor iman doona Stamfrod Bridge iyada oo Jose Mourinho uu markii ugu horaysay Chelsea dib ugu soo laaban doono tan iyo markii shaqada kooxda laga caydhiyay dhamaadkii sanadkii hore. Manchester United ayaa soo guulaysan labadii kulan ee Premier Leauqe-ga ugu danbeeyay waxaana markale horyaal imtixaan adag.

The Portuguese now prowls the Old Trafford touchline as Manchester United manager

Sidoo kale Mourinho ayaa Stmaford Bridge ku soo laaban doona isaga markii ugu horaysay kulamada Premier Leaque-ga cadaw ugu ah kooxdiisii hore ee Blues.Haddaba waa kuwee xidigaha labada kooxood ee ugu qiimaynta sareeya xogta laga ururiyay kulmadii ilaa hadda xili ciyaareedkan laga soo ciyaaray? Sidee ayay noqon kartaa shaxda isku darka labada kooxood ee xogtan ku salaysani?.

Chelsea fans have always been affectionate towards Mourinho and hold him in high regard

Shirkada WhoScored.com oo caan ku ah ururinta xogta kubbada cagta ayaa soo saartay shaxda isku darka Manchester United iyo Chelsea ee ku salaysan xogtii ay ka ururisay ciyaartoyda labada kooxood ee kulamadii hore loo soo ciyaaray.

Diego Costa, David de Gea and Paul Pogba all make it into the team

Shaki la’aan waxaa shaxdan goolka ugu jira David De Gea oo soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah wuxuuna shaxdan ku soo galay qiimayn ah 6.6 waxaana difaaca ku wada jira Valencia, Bailly, Bild iyo Azpliciueta oo aad qiimayntooda si fiican ugaga bogan karto sawirka hoose.

Haddi saddex difaaca oo Manchester United ahi ay shaxdan ku wada jiraan waxaa khadka dhexe gabi ahaanba qaadatay Manchester United waxaana ku soo wada baxay Fellaini, Pogba yo Herrera laakiin Chelsea ayaa iyaduna wada qaadatay safka weerarka waxaana ku wada jira Willian, Costa iyo Hazard.

HALKAN KAGA BOGO SHAXDA ISKU DARKA MAN UNITED IYO CHELSEA EE XOGTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD LAGA URURIYAY: