Masaajidka qadiimka ee Arbaca Rukun oo dib loo furay kadib markay dawlada Turkigu dayactirtay.

Masaajidka Arbaca Rukun ayaa dib loo furay kadib muddo dheer oo uu xirnaa.

Masaajidka Arbaca Rukun ayaa ah masjid qadiimi ah. Wuxuu masaajidkaasi dhisnaa muddo 771 sano ah.

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf  Xuseen Jimcaale ayaa shalay xariga ka jaray masjidka qadiimiga ah ee Arbaca Rukun ee Degmada Xamarweyne.

Waxaa kaloo dib u furida masaajidka kasoo qeyb galay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Beeker.

 Masjidkaa ayaa xirnaa muddo rubac qarni ah oo dalka colaado sokeeye ka jireen.

Waxaa dayactirka iska kaashaday maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Turkiga.

Kasokow xubno kale oo kasocday maamulka Banaadir iyo safaarada Turkiga waxaa dib u furitaanka masaajidka kasoo qeyb galay masuuliyiin kasocday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, culumaa’udiin badan iyo qeybaha kale ee bulshada.