Daawo Sawirada: Dad badan oo ku dhintay Baar kuyaala magaalada Rouen ee dalka Faransiiska

Dab xoogan ayaa xalay qabsaday Baar lagu magacaabo Cuba Libre kuyaala magaalada Rouen ee dalka Faransiiska, dabkan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii halkaasi ku sugnaa.

Baarka dabku ka kacay ayaa la sheegay in ay kasocotay Xaflad dhalasho, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dabku uu ka dhashay shumacyadii laga shidayay Munaasabada dhalasho xalay xili saqdii Dhaxe ah.

Inta la xaqiijiyay dabkan ka kacay Baarka Cuba Libre, waxaa ku dhintay 13 qof oo kamid ahaa dadkii xaflada ka qeyb qaadanayay , waxaana dadka dhintay u badnaayeen dhalinyaro ay da’dooda u dhaxeesay 18-sano jir iyo 25-sano.

Wasiirka arrimaha gudaha Bernard Cazeneuve, ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo waxa dhaliyay dabkan qasaaraha badan dhaliyay, waxaana meesha laga saaray in dhacdadan ay argagaxiso lug ku leedahay.

Ra’isul Wasaaraha Faransiiska iyo Madaxda kale oo dalkaasi katirsan ayaa Murugada la qeyb saday dadka waxyeeladu kasoo gaartay dabkii xalay ka kacay Baarka kuyaala magaalada Rouen ee dalka Faransiiska.







Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com