Sudaanta Koonfureed oo ogolaaday Ciidamo Caalami ah oo nabad illaaliya (Video)

Dowlada Sudaanta Koonfureed ayaa lagu cadaadiyey inay aqbasho in ciidamo Caalami ah oo nabad ilaaliya loo diro dalkaasi oo ay dib uga bilowdeen dagaaladaDowlada Salva Kiir oo horey marar badan u diiday in dalkeeda la keeno ciidamo nabad illaalin ah ayaa culeys weyn kala kulantay dalalka Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka kadib dagaaladii bishaa lasoo dhaafay dib uga qarxay caasimada Juba iyo gobalada dalkaasi.

Ciidamadan ayaa noqon doona kuwo lagu kabi doono ciidamadii ka socday Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku guuleysan waayey inay sugaan amniga gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay waxyeelada kasoo gaartay dagaalka sokeeye ee wadankaasi ka bilowday.

Kooxda Mucaaridka ee uu hogaamiyo Madaxweyne kuxigeenkii Reik Machar ayaa horey sharuud uga dhigay dib u heshiisiinta labada dhinac in dalkaasi la keeno ciidamo caalami ah arrintaasi oo uu horey u diiday Madaxweyne Salva Kiir.

Todobaad kahor ayuu Madaxweyne Salva Kiir sheegay in uu xilkii mar labaad ka qaaday Reik Machar kadib markii hogaamiyahaasi isaga baxay caasimada Juba, waxaana lagu badalay Jeneraal ka tirsanaa garabka mucaaridka uu hogaamiyo Machar. Arrintaasi ayaa waxaa ku gacan seeray Reik Machar oo sheegay inuu weli yahay Madaxweyne kuxigeenka rasmiga ah.