Dawladda Maraykanka oo Weeraradii ugu Badnaa ka Fulisay 2019 Gudaha Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay sanadkan Dhamaanaya ee 2019 Soomaaliya ka fulisay Weerarradii ugu badnaa ee ay sanadgudihiis ka fuliso Soomaaliya.

2019 Mareykanka waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay 63 weerar oo dhanka Cirka ah kuwaas oo lagu beegsaday Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaallama Soomaaliya.

Weerarradii ugu dambeeyay waxaa uu Al-shabaab Axaddii todobaadkan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo uu sheegay in uu ku dilay 4 xubnood oo ka mid ah AL-shabaab kuna gubay laba Gaari.

Mareykanku ma sheegin khasaaraha guud ee 63 weerar ka dhashay sanadkan 2019 hayeeshee hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu dad rayid ah ku laayo islamarkaana qariyo khasaaraha rayidka.

Sanadkii 2018 Mareykanka waxaa uu Soomaaliya ka fuliyay 47 Weerar halka 2017 uu ka fuliyay 35 Weerar, laakiin Sanadkan 2019 ayey Weerarrada ka sii sara mareen labada sano ee ka horreeyay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii uu la wareegay talada Waddanka Mareykanka waxaa uu amray kordhinta weerarrada ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish ee ka socda Soomaaliya.