Matt Bryden: Dawlada Fadaraalku Meel Kale Ayey U Weecisay Lacagtii Lagula Dagaali Lahaa Al-Shabaab

Madaxa hay’adda cilmi-baarista ee Sahan Research, Matthew Bryden ayaa sheegay in kheyraad badan oo lagu taageero dowladda Soomaaliya, aan loo adeegsan halkii loogu talo-galay ee ahayd in lagula dagaalamo kooxda Al-Shabaab.

Bryden oo la hadlay taleefishinka FRANCE24 ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qarashkii loogu talo-galay dagaalka Shabaab ay u weecisay khilaafyada gudaha, iyo sidii ay awood ugu muquunin lahayd maamul goboleedyada.

“Inta badan ciidamadii iyo hay’adihii amniga waxaa lagu daa-gureeyey maamul goboleedyo xulufo la ah dowladda, lamana dagaalamayaan Al-Shabaab – Sidaas darteed dareenka dowladda kuma sii jeedo ka adkaanta Al-Shabaab oo ka dambeysay qaraxan [Ex-Control Afgooye],” ayuu yiri Matt Bryden.

Matt Bryden ayaa sheegay in qarashkii dowladda oo dhan uu ku dhammaanayo Muqdisho, islamarkaana aan waxba laga gaarsiin gobolladii looga baahnaa taageeradeeda ee dagaalka Al-Shabaab uu ka socdo.

“Inta badan Koonfurta Soomaaliya waxaa ka jir gab dhinaca maamulka ah, inkastoona Al-Shabaab aysan wada maamulin dhulkaas, haddana waxay xor u tahay in sida ay doonto ay ugu dhaq-dhaqaaqdo, ugana howl-gasho” ayuu yiri Bryden.

“Al-Shabaab waxay joogtaa magaalooyinka waa weyn oo Muqdisho ay ku jirto, kuwaas oo caadiyan ay dowladda maamusho, halkaas oo ay dowlado dadban ku leedahay, kana ururiso canshuurta, garsoorna ka fuliso” ayuu yiri Bryden.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dalka uga mamnuucday hay’adda Matthew Bryden ee Sahan Research, ayada oo la rumeysan yahay in sababta ay ahayd dhaliilaha ka dhanka ah ee uu u jeediyo.