Maxkamad ku taal Mareykanka oo dambi ku heshay Haween Soomaali-Mareykan ah

Maxkamad Federaal ah oo ku taala Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa dambi ku heshay labo haween Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay lacago u uruurinayeen Kooxda Al-Shabaab.

Labadan haween oo lagu kala magacaabo Muna Cusmaan Jaamac oo 36 jir ah iyo Hinda Cusmaan Dhiirane oo 46 jir ah ayaa Maxkamadda ku heshay dambi ah in qadka taleefanka ku ku abaabuleen koox haween ah oo gaarayay illaa 15 haween lacago u uruuriyay Al-Shabaab.

Labadan haween ayaa la xiray bishii July ee sanadki 2014, iyadoo xilligaas la xiray haweeney lagu magacaabo Farxiya Xasan oo ay booliska Holland xabsiga dhigeen, taasoo lagu eedeeyay inay ka mid aheyd koox ka kooban 15 haween ah.

Muna iyo Hinda ayaa sidoo kale lagu helay danbiyo ah in ay ku kaceen shirqool iyo in ay si maaddi ah u taageereen koox argagixiso dibadda ah, waxaana ay wajahayaan xabsi dhan 15 sano.

Xukunka ugu danbeeya ee labadani haween ee asalkoodu Soomaaliga yahay ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

Ma ahan markii u horeysay ee Maxkamad ku taal Mareykanka la soo taago haween Soomaaliyeed lagu eedeeyay inay taageero u fidinayeen Al-Shabaab.